PodcastsGovernmentMaamul Wanaag

Maamul Wanaag

Somali Public Agenda
Maamul Wanaag
Latest episode

63 episodes

  • Maamul Wanaag

    Nooca Dowladnimada Miyay Naga Baahday? Tirada Siyaasiyiinta iyo Baaxadda Hay'addaha Dowladda

    22/12/2025 | 44 mins.

    Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya oo hadda falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo dowlad-dhiska Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa dhawaan qoray labo maqaal oo ka hadlaya metelaadda iyo baaxadda hay’adaha dowladda ee heer federal iyo heer dowlad-goboleed. Maqaalka koowaad wuxuu ugu magac daray “Ma u baahan nahay 999 wakiil, 8 Madaxweyne iyo 6 Madaxweyne ku Xigeen, 1 Raisul Wasaare, 2 Raisul Wasaare Ku Xigeen, iyo 454 Wasiir?” Waxa uu ku dooday in tiradan badan ay keentay metelaad xumi, culays dhaqaale, adeeg xumi iyo isla xisaabtan la’aan. Maqaalka labaad waxa uu kaga hadlay in ay dalka ka jiraan in ka badan 340 hay’adood oo dowli ah oo oo qabta howlo isku mid ah.  Waxa uu su’aal ka keenay tirad badan ee siyaasiyiinta iyo hay’adaha dalka ka jira. Qeybtan 63-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa ku gorfeynaya nuxurka labada maqaal, sababaha ku dhaliyay in uu qoro, iyo xalka.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!

  • Maamul Wanaag

    Jamhuuriyadda Saddexaad 25 Sano Kadib Shirkii Nabadda ee Carta

    03/12/2025 | 1h 11 mins.

    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Shir lagu maamuusayo sanadguuradaas ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Carta. Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya rubuc qarni kadib weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadana khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan. Qeybtan 62-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow, oo ah Lataliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, ayaa ku gorfeynaya jamhuuriyadda 3-aad 25 sano kadib.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!

  • Maamul Wanaag

    Maareynta Doorashooyinka Soomaaliya iyo Caqabadaha Ku Xeeran

    06/11/2025 | 47 mins.

    Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda waa hoggaamiyaha urur siyaasadeed 6-dii September la diiwaangeliyay oo qorsheynaya in uu ka qeyb galo doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheynayo in ay dhawaan qabsoomaan.Qeybtan 61-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo Raysal Wasaare soo noqday labo jeer, sidoo kalena sanadkii 2017 ahaa musharrax Madaxweyne, waxa ay isla gorfeynayaan maareynta doorashooyinka Soomaaliya iyo caqabadaha ku xeeran.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!

  • Maamul Wanaag

    Aqoonsi-u-raadinta Somaliland & Dadaallada Dowlad-dhiska Soomaaliya

    29/10/2025 | 45 mins.

    Dalka Mareykanka waxaa ka socda dadaallo lagu raadinayo in uu Mareykanka u aqoonsado Somaliland dal ka madax-bannaan Soomaaliya. Dhanka kale dowladda federaalka ayaa wadda dadaallo loogasoo horjeedo in ay Somaliland ka go’do Soomaaliya.Qeybtan 60-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Feysal Rooble, oo ah aqoonyahan, falanqeeye & xubin katirsan Golaha Sare ee PDRC, waxa ay isla gorfeynayaan mustaqbalka Somaliland iyo guud ahaan geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!

  • Maamul Wanaag

    Nidaamka Metelaadda Beelaha ee 4.5 & Xilalka Sarsare ee Soomaaliya

    09/10/2025 | 1h 14 mins.

    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad magaalada Carta ee dalka Jabuuti.  4.5 in awoodaha loo qeybsado waxa ay kamid ahayd tiirarkii lagu dhisay dowladdaas. Inkastoo loo arkayay in muddo kooban kadib laga gudbi doono, 4.5 weli waa halbeegga metelaadda beelaha ee dowladda. Qeybtan 59-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdi Kusow, oo ah cilmibaare iyo bare jaamacadeed oo muddo wax ka qorayay arrimaha Soomaaliya & arimaha bulshada, sidoo Kalena sanadkii 2022 u tartamay madaxweynaha Soomaaliya, waxa ay ku gorfeynayaan metelaadda beelaha ee xilalka sare ee dalka.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!

More Government podcasts

About Maamul Wanaag

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Podcast website

Listen to Maamul Wanaag, The Interview and many other podcasts from around the world with the radio.net app

Get the free radio.net app

  • Stations and podcasts to bookmark
  • Stream via Wi-Fi or Bluetooth
  • Supports Carplay & Android Auto
  • Many other app features

Maamul Wanaag: Podcasts in Family

Social
v8.2.1 | © 2007-2025 radio.de GmbH
Generated: 12/31/2025 - 9:18:13 AM