77 episodes
- Waxaa Muqdisho ka socda shirar dhexdhexaadin ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka federaalka Soomaaliya. Shirarradan, oo ay dhexdhexaadinayaan Turkiga, Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay, ayaa dowladda federaalka iyo saddex kooxood oo mucaarad ah ku soo bandhigeen noocyada doorashooyinka ee ay kala doorbidayaan.
Qeybta 77-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Dr. Afyare Cabdi Cilmi, oo ah bare sare iyo cilmibaare ka tirsan City University of Mogadishu, waxay ku falanqeynayaan afarta nooc ee doorashooyinka iyo habka ugu habboon ee wakhtigan lagu soo dooran karo xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo iyaguna dooran doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening! Nooca Doorashada ee Nabad & Nolol iyo Wada-xaajoodyada Doorashooyinka Soomaaliya
16/07/2026 | 57 mins.Bishan Luulyo, waxaa mar kale Muqdisho ka bilowday shirar heer farsamo ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka. Shirarkan waxaa garwadeen iyo dhexdhexaadiyeyaal ka ah beesha caalamka, gaar ahaan Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saddex kooxood oo mucaarad ah ayaa kulamadan ku soo bandhigay aragtidooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka, iyadoo dhinac walba uu soo bandhigay nooca doorashada ee uu doorbidayo.
Qeybta 76-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Mohamed Abdirazak, oo hoggaaminaya guddiga wada-hadallada ee Nabad & Nolol, waxay ku gorfeynayaan xaaladda guud ee shirarka socda, doorka dhexdhexaadinta beesha caalamka, iyo nooca doorashada ee uu soo jeediyay guddiga Nabad & Nolol.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!Qiimeyn: 66 Sano Kadib Xorriyadda – Halkee Maraysaa Dowladnimada Soomaaliya?
05/07/2026 | 1h 37 mins.Soomaaliya waxa ay u dabaaldegtay 66 sano-guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda ka qaadatay gumaystayaashii reer Yurub, isla markaana la aasaasay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee ugu horreysay. Sagaal sano kadib, taliskii militariga ayaa talada dalka la wareegay. Burburkii dowladdii dhexe kadib, Jamhuuriyadda Saddexaad ayaa dib loogu yagleelay Shirkii Carta ee dalka Jabuuti. Lixdan iyo lix sano kadib aas-aaskii Jamhuuriyaddii Koowaad, Soomaaliya waxay weli wajahaysaa caqabado waaweyn oo la xiriira dhismaha iyo xoojinta dowladnimada.
Qaybtan 75-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Dr. Saadaq Eenoow waxay ku gorfeynayaan 66 sano-guurada xorriyadda Soomaaliya, safarka dowladnimada, caqabadaha weli horyaalla, iyo halka ay maanta marayso dowlad-dhiska Soomaaliya.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!- Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad siyaasadeed oo adag. Muddadii afarta sano ahayd ee dowladda federaalka waxa ay ku ekayd 15-kii May 2026, balse ka hor inta aanu waqtigu dhammaan ayaa wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka. Dastuurka cusub waxa uu muddo-xileedka hoggaanka dowladda ka dhigay 5 sano, waxa ayna madaxda dowladdu sheegeen in uu u harsan yahay hal sano.
Mucaaradka waxa ay kasoo horjeedaan wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo muddo-xileedka la beddelay. Dibadbaxyo ay mucaaradku qorsheeyeen iyo dowladda oo is-hortaagtay ayaa cakiray xaaladda Muqdisho. 3-dii ilaa 4-tii June dagaal u dhexeeya labada dhinac ayaa ka dhacay Muqdisho. Hadda waanwaan ayaa socota.
Qeybtan 74-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Cabdiraxmaan Caynte—Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Xaqsoor iyo Guddoomiyaha Midowga Xaqsoor iyo Haybad Qaran—waxay si qoto dheer u gorfeynayaan xaaladda dalka, asalka khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, wadahadallada socda, iyo fursadaha lagu gaari karo xal waara.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening! - 4-tii Maarso 2026, fadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay wax-ka-bedelka 11 cutub oo ka mid ah dastuurka kumeelgaarka ah, sidoo kale waxaa lagu ansixiyay wax-ka-beddelka saddex qodob oo ku jira cutubka 2-aad iyo saddex qodob oo ku jira cutubka 4-aad. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dib-u-eegista dastuurka, islamarkaana nuqulka cusub uu noqon doono dastuurka rasmiga ah ee dalka. Afar maalmood ka dib, 8-dii Maarso, Madaxweynaha ayaa saxiixay dastuurka cusub.
Qeybtan 73-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Avv. Burhaan Aadan Cumar, oo ah guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, waxay isla gorfeynayaan dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka, habraaca loo maray, nuxurka arrimaha wax laga beddelay iyo khilaafka ka jira.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!
More Government podcasts
Trending Government podcasts
About Maamul Wanaag
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Podcast websiteListen to Maamul Wanaag, The DSR Network and many other podcasts from around the world with the radio.net app

Get the free radio.net app
- Stations and podcasts to bookmark
- Stream via Wi-Fi or Bluetooth
- Supports Carplay & Android Auto
- Many other app features
Get the free radio.net app
- Stations and podcasts to bookmark
- Stream via Wi-Fi or Bluetooth
- Supports Carplay & Android Auto
- Many other app features


Maamul Wanaag
Scan code,
download the app,
start listening.
download the app,
start listening.
Maamul Wanaag: Podcasts in Family
































