Degmada Cadaado waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo maamul iyo hay’ado shaqeeya yeesha. Dowaldda hoose ee degmadu waxa ay qaaddaa canshuur kala duwan, si ay adeegyo kala duwan ugu qabato. Hase ahaatee, maamulka degmada ayaanan soo xareeyn canshuur ku filan, sababo kala duwan awgood.
Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida loo kordhin karo Dakhliga Canshuuraha Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?” ayadoo la adeegsanayo habka cilmibaaris ee loo qayaanno Local Strategies Research (LSR) iyo hannaanka Evidence-Based Policy Design.
Qeybtan 43-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Farhia Mohamud oo ah cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda sidoo kalena hormuud u aheyd cilmibaarayaasha daraasadaas, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka daraasaddaas iyo waxyaabihii lagu ogaaday.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at
[email protected] Thanks for listening!